AMISOM ayaa beenisay inay ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ay soo galeen Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay waxba kama jiraan.
Shir jaraa’id oo maanta xarunta Xalane ku qabtay wakiilka Midowg Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira ayuu ku sheegay inaysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Soomaaliya.
Wakiilka ayaa weydiiyay saxafiyiinta halka ay soo galeen ciidamada cusub iyo xilliga ay yimaadeen, wuxuuna si kulul u beeniyay warar muddooyinkan sii xoogeystay oo ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay la wareegayaan meelaha ay banneeyaan ciidamada AMISOM oo bixitaankooda bilaabaya.
Wakiilka ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidamada AMISOM si tartiib ah looga saarayo Soomaaliya, iyado 1000-ka askari ee ugu horeysay ay ka bixitaankooda Soomaaliya lasoo afjarayo aakhirka sanadkan.
Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay dhowaan in ilaa 1000 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbeen xuduudka Gobolka Gedo.