Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa cambaareyn u jeediyay mid ka mida Idaacadaha magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Colonel Wilson Rono ayaa ku eedeeyay Idaacadda Shabeelle ee Muqdisho inay war been ah ka faafisay AMISOM, wuxuuna war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in kolonyo ciidan oo ay lahaayeen qarax miino lagula eegtay agagaarka deegaanka Arbacow oo qiyaastii 20KM waqooyi galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.
AMISOM ayaa sheegtay in qaraxaas uu ka dhashay dhaawac iyo bur bur xoog leh soo gaartay mid ka mid ah gaadiidkooda iyo Askari ka tirsan ciidankooda ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxa, waxaana sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay qof haweeney ah oo ka ag dhoweyd halka uu qaraxa ka dhacay.
Afhayeenak AMISOM ayaa sheegay in Haweeneyda dhaawaca soo gaaray oo laheyd Uur, ay degdeg ugu gurmadeen una qaadeen isbitaalka AMISOM, iyadoo markii danbena la geeyay isbitaal ku yaala Muqdisho oo xaaladeeda ay degan tahay.
Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in Idaacadda Shabeelle ay war been abuur ah ka sheegtay dhacdada iyadoo haweeneyda sheegtay inay dhaawacmeen AMISOM, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo lagu beegsanayo ciidamada AMIUSOM oo sumcada looga dilayo.