Wednesday, June 25, 2025

AMISOM oo cudurdaar ka bixisay shilkii qabsaday Wasiir Maryan Qaasim [Farriimo adag oo ay dirtay]

AMISOM ayaa cudurdaar ka bixisay shilkii wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ku qabsaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Askri ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa wasiirka ka hor istaagay inay gudaha u gasho garoonka oo ay shir ku lahayd, waxayna wasiirku ku tilmaantay arrintasi mid aan la aqbali karin.

Farriimo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay AMISOM ku sheegtay in ka xun tahay shilka qabsaday wasiir Maryan Qaasim oo ka cabatay sidii xirfad xumida ku jirtay ee ay ula dhaqmeen askarta ku sugan iridka Medina Gate.

“Ciidamadeena ku sugan iridka ma fileyn inay wasiiro yimaadaan, waxaana la dhaqan geliyay tallaabooyin dhinaca ammaanka oo dheeraad ah, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda kacsan ee ammaanka..” ayaa tiri AMISOM.

AMISOM ayaa ku dooday in dadka madaxda ah ay isticmaalaan iridka Marine Gate, waxayna ku booriyeen dhammaan madaxda inay hore u sameystaan qorshahooda si aanay u soo noqon shilal noocan oo kale ah.

Waxay kaloo AMISOM sheegtay inay aamisan tahay inay jirto qaab haboon oo madaxda sare ay ku wada xiriiri karaan, waxana la xusuusisay madaxda inay AMISOM u xil saaran tahay sugidda ammanka hay’adaha dowladda iyo madaxda dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

Ciidamada AMISOM oo tallaabo sharaf-dhac ah kula kacay Wasiir Maryan Qaasim [Maxaa dhacay..?]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON