Waxaa baraha bulshada dood weyn ka dhaliyey sawirka haweeney Soomaaliyeed ah oo askari ka tirsan ciidanka AMISOM cabbir ka qaadayo jirkeedda meel ku aadan xabadka, iyadoo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana sawirka lagu faafiyey website-ka iyo baraha bulshada ee AMISOM.
Haweeneydaas iyo haween kale waxay ka mid ahaayeen dad loo ciidamada loo qorayo ciidamda Booliska sida ay AMISOM ku faahfaahisay war ay ku qortay website-keeda oo lagu sheegay in wejiga labaad ee qorista 200 boolis ah uu ka bilowday Gobolka Hiiraan, laakiin qaar ka mida dadka Soomaalida ayaa si weyn uga hor yimid tallaabadaasi oo ku sheegay mid ka horjeeda dhaqanka iyo akhlaaqda Soomaaliyeed, waxayna qaarkood u fasireen in haweeneyda Soomaalida horaadkeeda la cabirayo, cidda cabirka qaadeysnaya uu yahay askari rag ah oo AMISOM ka tirsan.
Maalin kadib markii doodaasi ay cirka isku shareertay ayaa waxaa jawaab soo diray AMISOM oo ka hadashay cabirka waxa uu ahaa iyo cidda qaadeysa, waxaana Barta Twitter-ka ee AMISOM lagu faahfaahiyey sida arrintaasi ku dhacday, iyadoo qoraalka u dhignaa sidatan :
“Fadlan ogaada sarkaalka Booliiska ee AMISOM ee cabirka ka qaaday haweeneyd sawirka ka muuqata waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliiska, una dhalatay dalka Zambia. AMISOM waxay tixgelisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal rag ah la macaamilka haween Somaali ah”


