Afartan iyo labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo dalka Kenya ka qaybgalaya tababar soconaya muddo lix maalmood, oo ku saabsan sida uu u shaqeeyo baarlamaanka ismaamul goboleed.
Xildhibaannada ayaa Khamiistii booqday Baarlamanka Ismaamulka Kiambu, halkaas oo ay u kuuraggaleen dhiggooda Kenya oo qabanaya hawlaha baarlamanka ee Aqalka iyo kuwa guddiyada baarlamaanka.
Booqashada waxaa ay qayb ka tahay tababar uu Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) u qabanqaabiyay xildhibaannada baarlamanka maamul goboleedyada, si looga caawiyo in ay si hufan u gutaan dowrkooda sharci-dejinta isla markana loo wanaajiyo tayada doodadaha baarlamaanka.
Kooxdan oo ka kooban mas’uuliyiinta sarsare ee 16-ka guddiyo ee sharci-dejinta iyo kormeerka ee Baarlamanka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa booqashada Ismaamulka Kiambu, oo ah mid ka mid ah 47 Ismaamul oo ka jira dalka Kenya ku wehlinayay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira.
Danjire Madeira, oo inta lagu guda jiray booqashada hadal jeediyay, ayaa ku ammaanay Kenya dowrka ay ka ciyaartay soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, kaas oo uu xusay in uu ka horreeyay dhismaha AMISOM.
“Muddo aad u fog ma aha, markii ay Kenya martigelisay isla markana ay dhexdhexaadin (nabad) ah la sameysay waddamada gobolka; in Afrika, Afrikada Bari iyo IGAD ay isku yimaadan ayna taageeraan walaalahood ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo uu dalkooda burburay,” ayuu yiri Danjire Madeira kaas oo sidoo kale ah Madaxa Halwgalka.
Kenya waxaa ay martigelisay wadahadalka keenay in la dhiso Dowladda Ku-meelgaarka ah ee Federaalka ah (TFG) – dowlad qaran oo ku-meelgaar ah oo ka jirtay Soomaaliya laga bilaabo Abriil 2004-tii iyo Agosto 2012-kii. Dowladda Ku-meelgaarka ah waxaa ka dambeeysay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wakiilka Midowga Afrika ayaa ku ammaanay Kenya in ay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan soo celinta nabadda iyo amniga, iyo sidoo kale in ay u oggolaato xubnaha baarlamanka Soomaaliya ay dhexgalaan isla markana fikrado is-dhaafsadaan dhiggooda Kenya, taasi oo dhammeystireysa dadaallada AMISOM ee ay ku dooneyso in ay xasiliso waddankan ku yaal Geeska Afrika.
Danjire Madeira ayaa ku boorriyay waddamada Afrika in ay gacan ka geystaan geeddi-socodka xasilinta, asaga oo sheegay in Soomaaliya ay ahayd waddankii hormuudka u ahaa taageerrada midnimada Afrika isla markana ay kaalin lixaad leh ka ciyaartay hirgelinta Ururka Midowga Afrika (OAU) oo mar dambe laga dhigay magaca maanta loo yaqaanno ee Midowga Afrika (AU).
Wakiilka Midowga Afrika ayaa sheegay in xildhibaannada Soomaaliya oo laga caawiyo in ay la yimaadaan shuruuc wanaagsan isla markana ay fahmaan rabitaanka dadkooda ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo in uu dalka helo nabad iyo xasillooni.
Dhankiisa, Ku-Xigeenka Guddoomiyaha Baarlamanka Ismaamulka Kiambu, Philip Mubea Mwangi, ayaa xusay in Kenya iyo waddamada kale ee Bariga Afrika ay si weyn uga faa’idi doonaan Soomaaliya oo nabad ah dhinaca amniga iyo ganacsigaba.
“Waxaa loo baahan yahay in is-dhexgalka waddamada gobolka la badiyo, si dadku loo fidiyo adeeg hufan oo wax ku ool ah. Iskaashiga noocan waxaa uu gacan ka geysanaya nabadda gobolka waana sababta ay dadkeenna u awoodaan in ay ganacsigooda wataan carqalad la’aan,” ayuu xusay Mudane Mwangi.
Dhiggiisa Koonfur Galbeed, Aweys Xuseen Macalim, ayaa ku tilmaamay booqashada mid taariikhi ah, asaga oo intaasi raaciyay in uu aad ugu faraxsan yahay rajada wada-shaqeynta gobolkiisa iyo Ismaamulka Kiambu, kuwaas oo labaduba ah baarlamaan curdun ah.
“Waxaan halkan u nimid in aan ka faa’ideysanno walaalaheenna Ismaamulka Kiambu si aan u horumarinno kartideenna, maadaama aan ka mid nahay baarlamaan maamul goboleed. Ismaamulka Kiambu waxaa aan u doorannay sababta oo ah aad ayay naga horreeyaan waxna waan ka baran karnaa,” ayuu yiri Mudane Aweys Xuseen Macalim, oo ah Ku-Xigeenka Labaad ee Guddoonka Baarlamanka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Ismaamulka Kiambu, Ferdinand Waititu, ayaa ballanqaaday in uu ismaamulka uu qaban doono wax kasta oo uu awood si uu ka caawiyo Soomaaliya in ay xasisho.