Thursday, June 26, 2025

AMISOM oo ka mid noqotay Hay’adaha ku howlgan dib u eegista Dastuurka KMG ee Somaliya

Howlgalka ciidamada Midowha Afrika ee AMISOM ayaa ka mid noqday hay’adaha ku howlan arrimaha dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo tababar u qabatay haween gaaraya 25 dumar oo laga soo kala xulay ururada bulshada rayidka ah.

Haweenkan ayaa la sheegay in lagu wacyigaliyay sidii ay kaalin muuqata ugu qaadan lahaayeen hannaanka dib u eegista dastuurka Dalka. Mane Ahmed oo AMiSOM u qaabilsan arrimaha jinsiga ayaa sheegtay inay tababarka soo qabanqaabisay laanta AMISOM u qaabilsan badbaadada,  xuquuqda aadanaha iyo Jinsiga, ujeedkuna ahaa in la fahmo kaalinta haweenka ee wax ku kordhinta dastuurka KMG ah.

Dastuurka Soomaaliya ayaa waxaa gacanta kula jira tobannaan hay’adood iyo guddiyo ka badan saddex, iyadoo weli aysan ku heshiin dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, wuxuuna sanado badan ahaa qabyo aan dhammeystirmin oo lacago fara badan lagu bixiyo, kaasoo dastuur ka dhigay mashruuc aan dhammaad lahayn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON