Friday, June 27, 2025

AMISOM oo ku dhawaaqday baaritaan lagu sameynayo Xasuuqii Golweyn, kana laabatay Warkii hore

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa dib uga laabtay War ay hore u soo saaren, waxayna qoraal cusub ku sheegeen inay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadii lagu dilay todoba qof oo rayid ah, taas oo dhacday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraalka AMISOM ayaa lagu sheegay in degaanka Golweyn ay dagaal kula galeen maleeshiyada Al-shababaab oo weerar ku soo qaaday koloyo gaadiidkooda ah, isla markaana Natiijada ka soo baxda baaritaankan ayay AMISOM sheegtay inay u soo bandhig doonto.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii si weyn loogu eedeeyay toogashada iyo qarxinta 7 qof oo ka mid ahaa shacabka degaankaasi, oo u badnaa beeraley, waxaana meydadka dadkaasi la geeyay Muqdisho, iyadoo ay bannaanbax dhigeen ehelka dadkaasi.

AMISOM ayaa hore u sheegtay inay Golweyn ku dishay 7 qof oo Alshabaab ka tirsan markii uu ay qarax u dhigeen, kadibna dagaal dhex maray, arrintaas oo ay ka xumaadeen ehaladda dadkii shacabka aha ee ay dileen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON