Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka hari doonin ciidamada AMISOM sidii ay caddeyn iyo magdhow uga bixin lahaayeen dad ay ku laayeen degmada Afgooye.
Gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay inay shilkaasi kala hadleen Saraakiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo la qabtay darwaralkii AMISOM ee waday Gaarigii laayay dadkii shacabk ahaa ee saarnaa baska yar, degaanka Calamada.
Askriga darwalka ah ayaa lagu hayaa Xabsi ku yaalla saldhiga Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana socda xiriirto ku saabsan sidii arrinta shilka loo xalin lahaa. waxaana maamulka K/Galbeed uu in lagula xisaabtami doono dadkii ku dhintay shilkiii shalay tiradoodu hadda ka badan tahay 10 qof.
Ciidamada AMISOM ayaa si joogto ah ugu lug yeelatay falal lagu dilay dad shacab ah oo fara badan iyadoo ay sii kordhayaan tacadiyada ciidamadaasi ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Goobjooge.com