Wednesday, July 16, 2025

AMISOM oo War kasoo saartay Shilkii naxdinta lahaa ee Isgoyska KM 4 [Akhriso Cudurdaar]

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa War ay kas oo saareen shilkii naxdinta lahaa ee Gaari ka mida kuwa gaashaaman ee ciidamadeeda ku galay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo ka soo baxay  AMISOM ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay shil nasiib darro ah oo mid ka mida gaadiidkeeda uu ku dhacay Gaari yar oo shacab leeyihiin Isgoyska KM 4 talaadadii 26 Septmeber 2017.

AMISOM waxay sheegtay in Gaariga gaashaaman ee shilkaasi ku lug lahaa ay ku timid cilad joojiyihiin uu shaqeyn waayay (brake system failure), taasoo dhalisay in shilkaasi uu ku lug yeesho.

AMISOM waxay sheegtay inay wadahadal u socdo milkiilihii gaariga shilka galay, isla markaana ay dooneyso inay dib u xaqiijiso inay ka go’an tahay inay dadka Soomaaliyeed ka taageerto soo celinta nabadda iyo xasiloonidda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON