AMISOM ayaa war kasoo saartay weerarkii maanta dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan degaanka Carbiska oo warar kala duwan kasoo baxeen.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM uu askari kaga dhintay weerarkaasi ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, halka mid kale uu kaga dhaawacmay, sidoo kale wuxuu sheegay in labo ruux oo shacab ah ay ku geeriyoodeen weerarka.
Wilson Rono ayaa beeniyay warar uu sheegay in baraha bulshada lagu faafiyey oo ku saabsanaa in dad badan oo rayid ah lagu dilay goobta uu dagaalka ka dhacay.
Mas’uuliyiinta iyo dadka degaanka ayaa hore u sheegay inay musiibo weyn ka dhacday degaankaasi, isla markaana ay ururinayaan qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, iyadoo aan sheegin wax tiro ah.
Waxa ala isla dhex maray warar ku saabsan weerarka oo lagu sheegay in lagu arday iyo shacab, waxaase muuqata in la isku khilaafsan yahay tirada qasaaraha.