Friday, June 27, 2025

AMISOM oo war yaab leh kasoo saartay weerarkii Alshabaab ee Degmada Afgooye

AMISOM ayaa war yaab leh ka faafisay weerarkii Alshabaab galabta ku qabsadeen degmada Afgooye.

AMISOM waxay sheegtay Alshabaab ay qarax ka geysteen afka hore ee saldhiga Afgooye, iskuna dayeen weerar ay ku qaadaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Waxay intaas ku dartay in ciidamada Booliska la go’doomiyay laakiin ay kasoo gaareen ciidamo gurmad ah oo ka tirsan AMISOM iyo dowladda Federaalka.

AMISOM oo barteeda twitterka adeegsaneysa ayaa sheegay in Alshabaab ay u baxsadeen dhinaca degaanka Mareerey, iyagoo dab qabadsiiyay guryaha dadka shacabka ah ee degmada Afgooye.

Warka AMISOM waxaa lagu soo gabagabeeyay in AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Afgooye, isla markaana ay ka feejigan yihiin oo gaashaanka u daruuri doonaan haddii ay isku dayaan weeraro kale oo qar-iska-tuurnimo ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON