AMISOM ayaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 29-ka Maarso 2020 waxay amar ku bixsay in la xiray xarunteedii ugu weyneyd ee Xalane oo muddo 30 maalmood xirnaan doonta, taasoo saameyn ku yeelan doonta safaaradaha Shisheeye iyo shirkadaha qandaraaleyda ah ee UN-ka iyo AMISOM la shaqeeya.
Amarkan oo socon doona mudo 30 maalmood ah ayaa lagu joojiyey dhammaan dhaqdhaqaaqyada xarunta Xalane ee gelista iyo ka bixista xarunta iyadoo aad loo yareeyay shaqadii xarunta ka socotay, lana joojiyey ganacsiyadii iyo dhismooyinkii ka socday, waxaana amarkan lagu wargeliyey dhammaan dadkii ka howlgeli jiray iyo kuwa fadhigoodu ahaa Xalane si loo yareeyo faafista cudurka Coronavirus.
Dadka arrimaha asaasiga u ah xarunta ayaa la sheegay in la marsiin doono baaritaan adag, iyagoo si gaara loogu ogolaan doono inay xarunta galaan.
HOOS KA AKHRISO