Amniga caasimadda Muqdisho ayaa la adkeeyay, iyadoo la xiray wadooyinka muhiimka ah, iyadoo lagu wado inuu maanta dhaco bannaanbax uu soo qabanqaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Ciidamada kala duwan ee Amniga ayaa la dhigay wadooyinka, waxaana loo diiday gaadiidka dhammaan wadooyinka soo gala jidka weyn ee Maka Almukarama, iyadoo ay socdaan diyaargarowga bannaanbaxa oo maamulka Gobolka Banaadir uu kasoo abaabulayo xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Bannaanbaxa ayaa ka danbeeyay qaraxii qasaaraha badan dhaliyey ee Ex. Kontrol Afgooye ka dhacay Sabtidii 28-ka Disembar 2019, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof, halka 120 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana sheegtay Alshabaab.
Qaar ka mida madaxda dowladda ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan bannaanbaxa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho.