Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee labda Aqal ee Baarlamaanka ayaa soo saaray Habraaca Amniga Doorashada Madaxwaynaha cusub oo ka dhaceysa xarunta Afisyoone ee Xalane.
Guddiga ayaa qoraal ka kooban 3 bog ku faahfaahiyey qaabka loo sugayo Amniga Doorashada oo gebi ahaan lagu wareejiyey ciidamad ATMIS ee Midowga Afrika, waxaana kaliya hoolka ka shaqeynaya 22 askari oo Boolis ah.
Musharixiinta Madaxweynaha ayaa kaliya loo ogol yahay hal qof oo codka u tiriya, halka Musharixiinta madaxweynayaasha hore loo ogolaaday laba qof, Madaxweynaha xilka banneynaya ayaa loo ogol yahay inuu Hoolka la galo saddex qof.
Amniga Doorashada oo ahayd arrinta ugu muhiimsan waxaa dhammaan lagu wareejiyey ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.



