Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya ciidamada Badda maamulka Puntland ay dad ajnabi ah oo lagu tuhusan yahay shabaabnimo kasoo qabteen xeebta Garad ee Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Garacad C/Nur C/laahi Xirsi ayaa sheegay inay ciidamada gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah iyo sidoo kale saddex nin oo Ajnabi ah oo u dhashay dalka Yemen, waxayna la socdeen Dooni uu shidaalku ka dhammaadya, markaasoo ay ku soo caariyeen xeebta Garacad.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxa 4 qof ee la qabtay iyadoo la waayay doon ay sheegeen inay wateen, waxaan su’aalo la weydiinayaa ninka Soomaaliga ah ee la socday oo kasoo jeeda Puntland.
Feejignaan sare ayaa ka jira degaanka Garacad oo ahayd goobtii ay ka degeen shabaabkii ugu badnaa ee weeraray degaanada Puntland sandkii 2016.