Sunday, July 13, 2025

Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo loo gudbiyey Dib eegista lagu sameeyay 5 cutub oo ka mida Dastuurka

Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa  xaruntooda maanta kula kulmay  Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan dib u eegista Dastuurka KMG ah.

Kullanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,waxaana dhageysiga Warbixinta Guddiga ay ku saabsaneyd dib u eegistii lagu sameeyey 5 Cutub ee ugu horeysa Dastuurka.

Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabihii looga hadlay kullanka maanta iyo cutubyada dib u eegista lagu sameeyay.

“Waxaan soo gudbinay shantii cutub ee ugu horeysay ee lagu sameeyay dib u eegista oo shaqo badan runtii laga soo qabtay oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiga madaxa bannaan ay qoristeeda soo eegeen Wasaaradda arrimaha dastuurkana ay soo gudbisay qodobadii u baahnaa wada xaajoodkii siyaasadeed ka dibna, Guddiga la socodka loo soo gudbiyay..” ayuu yiri Xildhibaan Burhaam Aadan Cumar.

Tallaabada xigta ee howsha dib u eegista Dastuurka ayaa noqon doonta in la tago Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,wuxuuna carabka ku adkeeyay ka hor intaan Gobollada la tagin u yeeri doonaan madasha Guddiyada Dastuurka heer federaal iyo heer Maamul Gobolleed intaba si wada tashi loola sameeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON