Tuesday, July 15, 2025

Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo maanta la horgeeyay Sharcigii ugu horeeyay

Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka ayaa maanta la hor geeyay sharcigii ugu horeeyay ee kasoo gudba Golaha Shacabka markii ay ansixiyeen.

Sharciga isgaarsiinta oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Shacabka ayaa maanta la hor geeyay Aqalka sare, iyadoo uu maray akhriska koowaad.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur ayaa hortegay Aqalka sare isagoo u akhriyay sharcigan, waxaana uu ka codsaday inay ansixiyaan.

Kulanka xildhibaanada aqalka sare ee Federaalka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, waxaana soo xaadiray inta badan xildhibaanada.

Sharciga Isgaarsiinta Soomaaliya oo muddo 10 sano ka badan markii ugu horeysay ay ansixiyeen Golaha shacabka ayaa lagu tilmaamay guul weyn oo dowladu gaartay, inkastoo aan la ogeyn in Aqalka sare ansixin doono iyo inkale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON