Tuesday, June 24, 2025

Aqalka Sare ee Mareykanka oo Ansixiyey Danjiraha Cusub ee Somalia [Akhriso taariikhdiisa]

Golaha Aqalka Sare ee Senet-ka Mareykanka ayaa meel mariyey maagcaabista Dajiraha cusub ee Madaxweyne Trump u soo magacaabay Soomaaliya Donald Yamamato.

Safiirka cusub ee Mareykanka u soo dirayo Soomaaliya ayaa madaxweyne Trump uu magacaabay xilkan horaantii bishii July 2018. Waana diblomaasi khibrad badan u leh dhinaca dibloomaasiyadda ee Geeska Afrika. Madaxweyne Trump ayaa danjire  Yamamato u magacaabay soomaaliya, waxaana Aqalka sare ee Mareykanka uu magacaabiddiisa uu ku meel mariyey cod buuxa.

Yamamato oo horay danjiranima uga soo shaqeeyey waddama badan oo qaaraddan Afrika ka tirsan, ayaa wuxuu noqday danjirihi ugu waaya aragnimada badnaa ee Soomaaliya loo magacaabo tani iyo inta ay Soomaaliya burbrutay mareykankana uu xiray Safaaraddiisi Muqdisho.

Danjire Donald Yamamato oo 65 jir ah wuxuu ku dhashay gobolka Seatle ee dalka Mareykanka sanadka marka uu ahaa 1953-kii, wuxuuna ka soo qalinjabiyey jaamacadda Columbia.

Danjire Yamamato wuxuu marki ugu horreysay wasaaradda arrimaha dibadda uu ka howl galay 1980-kii, wuxuu shaqooyinkiisa arrimaha dibadda uu ka bilaabay qaaradda Afrika, kaddibna wuxuu howla dibloomaasiyadeed uu ka soo qabtay waddamada bariga dhexe iyo qaaradda Aasiya.

Wuxuu shahaadadiisa labaad ka qaatay Kulliyadda (National War College) sanadka marka uu ahaa 1996-kii, wuxuuna la taliya sare uu u soo noqday Agaasimaha guud ee arrimaha dibadda Mareykanka inta u dhaxeysay 2015-2016-ka.

2015-2016-kana wuxuu xilal kala duduwan uu ka soo qabtay dalka Afqaanistaan, 2016-kina waxaa loo magacaabay madaxa howlgalka arrimaha Soomaaliya ee xafiiska Muqdisho

Wuxuu  noqday wakiilka gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka u qaabislan arrimaha Afrika, wuxuu danjire uu ka soo noqday dalalka Eretrea (1997-1998), Djibouti (2000-2003) iyo Ethiopia (20016-2009).

Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yukio Yamamato wuxuu ku hadlaa afafka Shiinaha, Carabiga, Ingiriisiga, Japan iyo Faransiiska wuxuu siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka uu ku soo jiray muddo 40 sana ah.

Madaxweynaha Mareykanka oo Safiir cusub u soo magacaabay dalka Soomaaliya [Akhriso waa kuma?]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON