Sunday, July 6, 2025

Aqalka Sare oo cod u qaaday Xubin loo magacaabay Guddiga Dib u eegista Dastuurka

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta cod u qaaday ansixinta xubin cusub oo loo magacaabay inay ka mid noqoto Gudiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.

29 Mudane ayaa codka kalsoonida siiyey Muumino Sheekh Cumar, taas oo Xubin ka noqoneysa Gudiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka kadib hortagitaankeedii Golaha Aqalka Sare.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in sirasmi ah Abuukaate Muumino Sheekh Cumar ay uga mid noqotay Gudiga Qaabilsan Arrimaha Dastuurka. Ansixinta xubnaha Golaha Aqalka sare ee dalka Kadib ayaa halkaasi lagu dhaariyey Muumino Sh Cumar oo kamid noqotay Guddiga qaabilsan Arrimaha dastuurka.
Gudoomiyaha Gudiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale ayaa Guul ku tilmaamay in Gudigoodu hello qof aqoon dheer u leh Arrimaha Dastuurka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON