Aqalka sarea ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddi cusub u magacaabay arrinta weerarkii lagu qaaday Guriga senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Guddigan ayaa baaritaan dhinacooda ah ku sameyn doona kiiska weerarkii lagu qaaday Guriga Senatorka Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), kadib markii uu Golaha ka dalbaday in arrinta guddi ka tirsan labada qole loo magacaabo, isagoo aan ku qanacsaneyn baaritaanka guddi uu kiiskan u saaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xoghayaha Guud ee Aqalka sare ayaa Cali Maxamed Jaamac ayaa saxaafadda u akhriyay mngacyada shan xubnood oo Goluhu u saaray arrintan, iyagoo la shaqeyn doona dhinaca kala duwan ee arrintani quseyso.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIYADA
1- Maxamed Amiin Sheekh
2- Axmed Xaashi Maxamuud
3- C/risaaq Axmed Cali
4- C/llaahi Sheekh Iismaaciil (Fartaag)
5- C/llaahi Cabdi Garuun
Ciidamo la sheegay inuu tababarray Imaaraadka ayaa weerar ku qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid, iyadoo dowladdu aanay shaacin wixii kasoo baxay baaritaankaasi.