Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan looga doodayo kiiska weerarkii ciidamo uu Imaaraadku tababarray ku qaadeen Guriga Cabdi Qeybdiid ee magaalada Muqdisho.
Senator Cabdi Qeybdiid ayaa Aqalka Sare u hor dhigay warbixin ku saabsan weerarkaasi isagoo sheegay in baaritaankii dowladda aanu kalsooni ku qabin, wuxuuna Aqalka Sare ka dalbaday inay arrinta daba galaan.
Aqalka sare ayaa la sheegay inuu guddi u magacaabayo arrintan iyadoo la siinayo waqti kooban oo ay ku daba galaan baaritaankii ay sameystay guddigii xukuumadda oo aan la shaacin, waxaana lagu wadaa in natiijada baaritaanka guddigan la shaaciyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku hagoogatay xaqiiqadii kasoo baxday baaritaankii weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid, kadib markii uu lugaha la galay dowladda Imaaraadka oo saraakiisheeda ku sugan magaalada Muqdisho oo qaabilsan argagixiso la dirirka.
Ciidamada Imaaraadku tababarray ayaa aakhirkii Bishii December 2017 weerarray Guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Muqdisho Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.