Mid ka mida Qisooyinka cajiibka ee ay reebtay natiijadii imtixaankii Dugsiyada sare sanad-dugsiyeedka 2019/2020 waxaa ka mida wiil danyar ah oo qoyskiisu barakacayaal yihiin, kuna nool duruufo adag oo gelinta hore Iskuulka dhigan jiray, gelinka dambena Ari ay leedahay hooyadii raaci jiray inuu ka mid noqday 100-ka Arday ee ugu sareeya imtixaanka dowladda ee laga qaaday Bartalama iyo Koonfurta Soomaaliya.
Qaasim Salaad Gabood Isaaq wuxuu galay kaalinta 94-aad, wuxuuna helay dhibco celcelis ahaan gaaraya: 87.71 , siagoo dhigta Dugsiga Amiir Nuur ee magaalada Garbahaarey, wuxuuna ka mid yahay ardayda ay wasaaradda waxbarashda u balan qaaday inay waxbarasho Jaamacadeed oo deeq ah ay siineyso, wuxuuna qoyskiisa markii hore kasoo qaxay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bakool, waxayna hadda ku nool yihiin duleedka magaalada Garbahaarey.
Qisada Wiilkan waxay si weyn u qabsatay baraha bulshada isagoo calaamad u noqday dadaal waxbarashada iyo heerka uu qofku gaarsiin karo duruuf kasta oo uu u nool yahay, waxaana loo muujiyey taageero weyn, iyadoo dad badan ay wadaan in Ardayga iyo qoyskiisa danyarta ah laga kaalmeeyo kharashka.
Wasiirka waxbrashada xukuumadda Soomaaliya ayaa oo ka hadlay dadaalka Ardayga Qaasim Salaad ayaa farriintan u diray: “Waxaan hambalyo u dirayaa wiilkan da’da yar ee ka mira dhaliyay hammigiisa, isla markaana sahan dheer u galay siduu u guuleysan lahaa isagoo duruuf adag ku jira, kana soo muuqday 100-ka arday ee ugu sarreysa natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka. Wuxuu tusaale u yahay jiilka soo koraya si ay ugu sii diyaar garoobaan tartanka heer Qaran ee aan lagu kala badin xigto iyo xoolo, qof kastana u baahanyahay in uu dadaal badan sameeyo, saaxiibna la noqdo buugga iyo qalinka.Dadaal badne Qaasim, wuxuu heli doonaa deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah.”
Qisada Ardayga Qaasim Salaad waa mid soo jiidasho leh, waxaana warbixin ka diyaariyey weriyaha TV-da Shabeelle ee Gobolka Gedo, warbixinta hoos ka daawo.

