Sunday, July 13, 2025

Askar badan oo Mareykanka looga dilay Qaraxyadii Kaabul (Akhriso tirada rasmiga ah ee ka dhintay)

Waxaa soo baxaya qasaare xoog leh oo ciidamada Mareykanka kasoo gaaray qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kaabul.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ay qaraxyadii magaalada Kaabul ku dhinteen 12 askari oo Mareykan ah oo midkoo yahay dhaqtar ka tirsanaa ciidamada Mariiniska, ayna ku dhaawacmeen 15 kale, sida ay xaqiijisay wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dhimashada askarta Mareykanka ee qaraxyadii Kaabul ay gaartay 13, halka Ciidamada Daalibaan ay ka dhinteen 28 dagaalame, waxaa kaloo qaraxyada ku dhintay 72 qof oo shacab ah.

Tirada guud ee dhimashada Qaraxyada Daacish ka geystay Garoonka Kaabul ayaa sare u dhaafay 100, halka ku dhowaad 200 kale ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si kulul uga hadlay qaraxyada ka dhacay Kaabul ee ay ku dhinteen askarta Mareykanka, isagoo sheegay inuu mas’uuliyadda qaadanayo, isla markaana ku socon doono jadwalkii ahaa inuu ciidamada Mareykanka kala baxo 31-ka Ogost 2021.

Kooxda Daacish ee dalka Afghanistan ee loo yaqaan Khuraasaan ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii is-miidaaminta ahaa, waxayna soo bandhigtay mid ka mida is-miidaamiyeyaashii qaraxyadaasi geystay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON