Wednesday, July 2, 2025

Faahfaahin: Qaraxyadii ka dhacay Garoonka magaalada Kaabul & Askar Mareykan ah oo ku dhintay (Sawirro)

Faahfaahin dheeraad ah aya laga helayaa qaraxyo is-miidaamiyeyaal ka geysteen albaabyada laga soo galo garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kaabul.

Laba qarax oo daqiiqado u dhaxeysay ayaa ka dhacay Dhinaca Bari ee garoonka Kaabul, halkaasoo oo is-miidaamiyeyaal ay ku beegsadeen halka laga halo Garoonka oo ciidamada Mareykanka ee Abbey ay ka dhowaayeen iyo Hotelka Barons, isla markaana boqolaal dad ah ay sugayeen inay gudaha u galaan Garoonka.

Qasaaraha Qaraxyada aya sii kordhaya iyadoo qaraxa hore uu ahaa midka dhaliyey waxyeellada ugu badan, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in ilaa 40 qof ay ku dhinteen, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 90 kale.

Askar Mareykan ah ayaa dhaawacyo kasoo gaareen qaraxyada, waxayna wararku sheegayaan in tiradoodu badan tahay, iyadoo hore loo sheegay inay ku dhaawacmeen 3 askari. Qaar ka mida askarta Mareykanka ayaa dhaawacyadoodu culus yihiin.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in qaraxa ka dhacay Garoonka Kaabul ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray Askar Mareykan ah, iyadoo aan weli la shaacin tirada geerida iyo dhaawaca askarta.

Warbaahinta Mareykanka ayaa shaacisay in 12 askari oo dhaqtar ahaa ay Mareykanka ugaa dhinteen qaraxyada. Daalibaan ayaa cambaareysay qaraxyada, waxayna sheegtay inuu ka dhacay goob ay maamulaan Ciidamada Mareykanka.

Xaaladda Garoonka Diyaaradaha Kaabul ayaa caawa kacsan, waxaana gebi ahaan xeyndaabkiisa laga saaray dadkii faraha badnaa ee ku sugnaa, iyadoo laga sii xigay qaraxyo kale, waxaana la sheegay in tobanaan is-miidaamiyeyaal ah oo ka tirsan Daacish ay ku sugan yihiin agagaarka Garoonka Kaabul.

A wounded man lies on the ground after a massive blast in Kabul on May 31, 2017.
President Joe Biden has been briefed on the attack which took place at the Abbey gate of the Hamid Karzai where there were also reports of gunfire
Images from the scene show scores of bloodied people being carried away from the bombsite with witnesses saying they saw 'so many hurt'

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON