Tuesday, April 16, 2024

Qarax labaad oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kaabul iyo Xog cusub oo laga helay xaaladda…

Qarax labaad ayaa lasoo weriyey inuu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kaabul ee dalka Afghanistan, kuwaasoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxyadan oo Sirdoonka Mareykanka iyo Reer Galbeedka ka digeen inay dhacayaan, ayna abaabulayaan kooxda Daacish ee Khuraasaan, ayaa xaalad kala yaac ah ka abuuray garoonka iyo xeydaabkiisa xilli ah socoto daadgureynta dadka.

Qaraxa labaad ayaa daqiiqado ka danbeeyay qarixii hore, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan ilaa hadda la sheegay inay ku dhinteen 13 qof oo isugu jira dad shacab ah iyo Xooggaga Daalibaan.

Ad

Qasaaraha ayaa lagu wadaa inuu sii kordho, iyadoo muuqaallo laga soo qaaday goobta qaraxa ka dhacay ay muujinayaan dad fara badan oo daadsanaa, waxaana Isbitaallada magaalada Kaabul lagu daadgureynayaa dhaawacyo fara badan/

Qaraxa hore ayaa sidoo kale dhaliyay qasaare dhaawac iyo dhimasho leh, waxaana la sheegay inuu ka danbeeyay is-miidaamiye ka tirsan kooxda Daacish ee Afghanistan.

Safiirka Faransiiska ee Kaabul ayaa hore uga digay in qaraxyo kale inay dhici doonaan xeyndaabka garoonka magaalada Kaabul. Mareykanka ayaa ku eedeeyay ururka Daacish ee Afghanistan ee Khuraasaan inuu ka danbeeyay qaraxyada ka dhacay Garoonka Kaabul.

- Advertisement -

TV-ga FOX NEWS ee Mareykanka ayaa soo weriyey in 3 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen Qaraxa ka dhacay Garoonka Kaabul oo wararka qaar sheegayaan inuu ahaa qof is qarxiyey, halka warar kale sheegeen inuu ahaa Gaari qaraxyo laga soo buuxiyey.

Wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegtay in mid ka mida askarta Mareykanka uu dhaawiciisa yahay mid halis ah.

Ciidamada Daalibaan ayaa banneeyay agagaarka Garoonka Kaabul, waxayna hawadda u ridayaan rasaas si dadka faraha badan looga fogeeyo garoonka iyo agagaarkiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON