Sunday, July 6, 2025

Askar dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dagaal ku dhex maray Magaalada Muqdisho

Dagaal toos ah ayaa xaafadda Tabuush ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya, kadib muran dhul ah oo dhex maray.

Askartan oo xaafadda laga yiqiin, isla markaana si maleeshiyo ah u abaabulam oo isku Qoys ahaa ayaa dagaalkooda wuxuu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dhashay Guri xaafadda ku yaalla, waxaana is rasaaseynta dhex martay ku dhintay labo askari oo lagu kala magaacabi jiray: Cali Nuur Xoosheey iyo Saciid Axmed Shalaqbeen, iyadoo ay ku dhaawacmeen Toxob Xasan Xadar iyo  liibaan Shalaqbeen.

Maamulka degmada iyo ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta mashaqadani ka dhacday, waxaana goobta laga qaaday meydadka askarta iyo kuwa dhaawaca ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON