Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in rasaas lagu furay gadiid kolonyo ah oo uu la socday madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Falkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay bar ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir, degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho; waxaana la sheegay inay rasaas fureen ciidamadii Asluubta ee ku sugnaa kawaanka Malaayga.
Wararka ayaa sheegay in ilaaladii la socotay Madaxweynihii hore xildhibaan Xasan Sheekh ay ka jawaabeen rasaasta, isla markaana aanu wax qasaare ah ka dhalan. Wuxuu xilliga rasaasta dhacday ku socday shir ay lahaayeen Midowga Musharixiinta.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Gaadiidka uu lasocday Xasan Sheekh ay ka yimaadeen dhinaca Liido, waxaana goobtay hore uga dhacay rasaas ay fureen ciidamada ku sugan, lana beegsadeen Gaadiid uu lasocday Imaam Maxamed Yuusuf.
