Wararka laga helayo dalka Kenya ayaasheegay in Ururka Al Shabaab ay qarax Miino ay la beegsadeen ciidamada Kenya, kasoo qasaare xoog leh gaarsiiyey ciidamada Kenya oo ku sugnaa Gobolka Xeebta ee Lamu.
Qarax miinada ayaa qabsaday Gaari ay la socdeen ciidamada Milateriga Kenya ee KDF, waxaana uu qaraxu ka dhacay inta u dhaxaysa degaanada Kenyatta Forest iyo Bodheey oo ka wada tirsan gobolka Lamu.
Waxaa qaraxa ku dhintayn ilaa 5 askari oo ciidamada Kenya ka mida ka tirsanaa, waxaana ku dhaawacmay Lix askari oo kale. AlShabaab ayaa sheegatay inay qaraxaasi ay ku dileen Sagaal askari oo Kenyan ah, kadib markii gaari ay saarnaayeen qabsatay Miino dhulka loogu aasay.