Saturday, July 12, 2025

Askar ka wada tirsan ciidamada Dowladda oo dagaal ku dhex marayo xaafad ka tirsan Muqdisho

Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay ku dagaalamayaan askar ka wada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku ka socdo degaanka u dhow Kawaan Barri, iyadoo labada ciidan ay kala yihiin Milateri hoos taga sarkaal magaciisa lagu sheegay Cusmaan Xaadoole iyo Taliye ciidamada Minishiibiyada Gobolka Banaadir ka tirsan oo lagu magacaabo Joore.

Iska hor imaadka labada ciidan ayaa salka ku haya muran ka dhashay Dhul la isku heysto, kaasoo u xuub siibtay inay labada dhinac ku lug yeeshaan oo dagaal ka dhex qarxo, la iskuna adeegsado hub culus.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka labada ciidan u dhaxeeya oo la sheegay inay ku dhaawacantay haweeney ay haleeshay rasaastii la is weydaarsanayey.

Xaaladda ayaa kas ii dartay amrkii dagalaka ay kusoo biireen gaadiidka dagaalka, wuxuuna dagaalku ka socdaa inta u dhaceysa Ishoyska Mariinada ilaa isbitaal Keydsaney, aagga Kawaan Bari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON