Sunday, July 13, 2025

Askari Garoon lagu Ciyaaro ku dilay wiil dhalinyaro ah oo Dil toogasho ah lagu xukumay

Maxkamada  Derajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo lagu helay inuu dil bareer ah u geystay wiil dhalinyaro ah, degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Dable Xoogga Dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur ayaa lagu soo eedeeyay dilka marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta  oo ku yaalla degmada Kaxda 3 January 2020, markii uu halkaasi u tegay inuu garab siiyo wiil ay isku hey ahaayeen.

Kiiska dilka ah ayaa dhacay markii askarigan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur oo aan ka mid aheyn dadka ku ciyaarayay garoon ku yaal degmada Kaxda, dhinaca Xoosh uu garab siin ugu yimid wiil ay isku heyb yihiin, kadibna si aan ka fiirsasha laheyn uu rasaas ku furay goobtii, kuwaas oo sababay in laba xabbad oo ka mida ay galaafteen nolosha Marxuumka C/raxmaan C/llaahi.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda oo ahaa in Maxamed Cismaan Maxamed Nuur lagu xukumo Dil toogasha ah, taasi  oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan. Xukunsanaha ayaa haysta fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON