Wararaka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tisan ciidamada Booliska uu toogasho ku dilay qof shacab ah.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, gaar ahaan bar ay ciidamadu halkaasi ku lahaayeen, waxaana ninka la dilay lagu sheegay inuu ahaa shaqaale Turkiga, kaasoo lagu Magacaabi jiray Sharmaake Tifow.
Wararka ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ahaa darawal Gaari lagu qaado shaqaalaha, iyadoo markii uu dhacay falka dilka ah uu goobta ka baxsaday askarigii dilkaasi geystay.
Lama oga sababta loo dilay darwalka iyadoo wadooyinka ay xiran yihiin, ayaa ciidamada amniga waxay rasaas ku furaan gaadiidka u soo dhowaada ama isku daya inay maraan jid-gooyada.