Askari ka tirsan ciidamada Kenya ee ku sugnaa xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyow oo shalay ay weerareen kooxda Alshabaab ayaa kashify sidii ay wax u dhaceen isagoo eedeeyay saraakhiisha sare ee ciidamada Kenya.
Asakrigan oo xogtan jariirada The Star ee magaalada Nairobi, magaciisana la qariyay ayaa sheegay in laga war hayay weerka Alshabaab ay qorsheynayaan oo ay doonayeen inay u dabaal degaan sanadguuradii koowaad ee weerarkii CeelCade, balse saraakiisha ciidamad Kenya ay iska dhegatireen.
We waited but nothing happened,” the source said. “When intelligence reports are sent, somebody somewhere delays implementation… Our bosses are not working. Something fishy is going on and we have no answers.”
“Dagaalka Alshabaab waa laga war hayay, waxaan sugnay saraakiishaa wax dhacay ma jiraan, markii xogtii sirdoonka loo diray madaxda ciidamada cid uun ayaa dib u dhigtay go’aan qaadashadii…, madaxdeena ma shaqeynayaan… wax laga shakiyo ayaa socda… wax jawaab ah waan weynay..” ayuu yiri askariga Keenyaanka ah.
Askarigan ayaa lag soo xigtay in ciidamada Kenya aysan lahayn saraakiil daacad ah, wuxuuna su’aalo badan ka keenay qalabka ay heysteen ciidamada Kenya oo uu sheegay inay yihiin duug ah oo aanay xaaladiisu fiicneyn.
Alshabaab ayuu sheegay inay yihiin dagaalyahano khibrad badan oo si weyb u hubeysan, isla markaana ay weerarada qaadaan habeenkii, weerarkii Kulbiyowna uu dhacay iyadoo ciidamada qaarkood ay hurdayeen.
Askarigan oo ka baxsaday xerada Kulbiyow ayaa sidoo kale dhaliilay saraakiisha shaqada laga fariisiyo ee ciidamada Kenya oo ah kuwii khibrada lahaa muddo 10 sano ka badanna ciidamada ku soo jiray, wuxuuna sheegay inay Alshabab u wareegi karaan.
Weerarkii Kulbiyow oo Kenya iyo Alshabaab ay warar is khilaafsan kasoo saareen ayaa Kenya waxay ilaa hadda qiratay in looga dilay 9 askari oo laba ka mida ay saraakiil yihiin, halka looga dhaawacay 15 kale.
Goobjooge.com