Sunday, July 13, 2025

Askari ku caan baxay Burcadnimo oo xukun Xabsi Adag ah lagu xukumay [Sawirro]

Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta go’aan kasoo saartay Eedeysane  Dable Axmed Maxamed Xuseen oo ka tirsana Ciidamada Booliska oo lagu eedeeyay inuu dhac u geysan jiray dadka shacabka, waxayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida shaaciyey Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Dable Axmed Maxamed Xuseen ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay  dad rayid ah, isagoo wadadda u geli jiray waddada xilliyda danbe ee habeenkii Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho.

Waxay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriya 10kii Maarso ee sanadkan, xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay  qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi. Todoba qof oo dhibana u ah ayaa iska diiwaan geliyay  galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaasi oo ka cabanayay dhac uu u geystay Dable Boliis Axmed Maxamed Xuseen.

Maanta ayaa gu daanbeyn xukunka lagu diray, iyadoo edeysane  Dable Axmed Maxamed Xuseen ay Maxkamadda Ku xukuntay 8 sano oo Xabsi Ciidan ah. Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa ka furan Rafcaan hadii  aysan ku qancin dhinacyada dacwadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON