Dadweyne careysan ayaa bannaanbax ka dhigay maanta magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, iyagoo ka cabanaya wiil kasoo jeeda degaankaasi oo ka mida ahaa ciidamada dowladda ee tababarka loo geeyay dalka Uganda, balse meydkiisa lasoo celiyay.
Wiilkan oo 19 sano jir ahaa, laguna magacaabo Maxamed Xasan Maxamed Nuur ayaa sida la sheegay ku xanuunsaday dalka dalka Uganda intii uu tababarka ku jiray, waxaana la geeyay isbitaal, balse waxaa laga war helay inuu dhintay, iyadoo meydkiisa lagu soo celiyay dalka.
Baaritaan lagu sameeyay meydkiisa oo la geeyay isbitaalka Somali Sudanese ayaa lagu xaqiijiyay Meydka ahaa qof qalliin lagu sameeyay, isla markaana laga waayey Killida Midig iyo Wadnihiisii, iyadoo sababta dhimashadiisa ay baahan tahay baaris dheeraad ah.
Kiiska Wiilkan ayaa si weyn looga carooday, waxaana ka dhashay bannanabax bulshada Gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Xudur ay dhigeen iyadoo dalbanaya in caddeyn laga siiyo cidda qashay wiilkooda.
Marxuumka Askariga ahaa Maxamed Xasan Nuur ayay dowladda Soomaaliya bishii Maarso ka qaaday magaalada Xudur ee Gobolka Bokool, waxaana isaga iyo askar kale loo qaaday Dalka Uganda, iyagoo ahaa qeybtii labaad ee ciidanka lagu tabbarrayo dalka dalka Uganda.
Dowladda Federaalka iyo Taliska ciidamada ayaan weli wax War ah kasoo saarin kiiskan iyo xaaladda ka dhalaty ee keenay inay kacaan dadka magaalada Xudur, waxayna ehelka marxuumka diideen inay aasaan.
Muddo 16 maalmood ah ayaa la sheegay inuu Qaboojiye ku jiray dalka Uganda, iyadoo markaas kadibna hadda uu Qaboojiye kale ku jiro maalintii afaraad.

