Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay xukun dil ah ku riday askari ku eedeysan inuu fududeeyay dilkii agaasimihii Dekadda Boosaaso.
Maxkamadda oo Saaka u fariisatay dhagaysiga Dacwadda loo haysto Dable Cabdi Cali Xersi oo ka tirsanaa ciidanka PMPF ee Puntland ayaa lagu helay inuu fududeeyay dilka Maareeyihii shirkadda P&O ee hoostagta shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabi jiray Paul Anthony Farmosa.
Dilka Maareeyihii shirkadda P&O ayaa 4-tii Febraayo 2019 ka dhcay magaalada Boosaaso, kadib markii uu nin hubeysan rasaas ku furay, waxaana falkaasi uu saameyn weyn ku yeeshay amniga magaalada, waxaana sheegtay Alshabaab.
Dable Cabdi Cali Xersi ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah, iyadoo loo sheegay inuu heyso muddo Bil ah oo uu rafcaan kaga qaadan karo xukunka dilka ah.