Monday, June 23, 2025

Askari Saqraansan oo Hooyadii iyo Dad badan oo Qoyskiisa ah ku laayey Magaalada Muqdisho (Warbixin)

Faahfaahin dheeraad aha ayaa kasoo baxeysa fal naxdin leh oo askari ka tirsan ciidamada dowladda ku laayey qoyskiisa, kadib markii uu Bam gacmeed ku qarxiyey.

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Nuuraaye ayaa la sheegay isagoo saqraansan inuu muran dhex maray qoyskiisa, kadibna uu Bam ku qarxiyey, markii Qorigii uu watay laga qaaday; waxaana qaraxa ku dhintay afar qof oo ay ka mid yihiin hooyadii Xaawo Gaabo, walaashiis iyo wiil uu dhalay, waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo uu isagu ka mid yahay.

Falkan ayaa xalay fiidkii ka dhacay xaafadda Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, waxaana dhaawacyada iyo meydadka qoyskan la geeyay isbitaalka Jazeera, iyadoo laba ka mida la sheegay inay xaaladoodu liidato loo qaaday isbitaallo kale.

Waa falkii ugu qasaaraha ugu badnaa ee hal qoys kasoo gaara askari ka mida ciidamada dowladda oo hadda la sheegay isagoo dhaawac ah inay gacanta ku hayaan ciidamada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON