Monday, June 23, 2025

Askarigii Dadka ku laayey Kaniisad ku taalla Mareykanka oo la ogaaday in qariyay Xaaladiisa

Ciidammada cirka ee Maraykanka ayaa sheegay in ay baarayaan waxa u muuqda in ay ku guuldaraysteen in ay xogta qaran ku daraan taariikhda dambiilenimo ee Devin Patrick oo dad ku toogtay gobolka Texas.

Kelly oo horay uga soo mid noqday ciidammada cirka ayay maxkamadda ciidanku ku heshay 2012kii in uu tacadi u gaystay qoyskiisa, waxaana laga hor istaagay in uusan yeelanin, gadaninna hub.

Laakiin sannadkii hore ayay u suurtagashay in uu gato qorigii uu Axaddii u adeegsaday weerarkii uu ku qaaday kiniisadda ku taalla San Antonio.

Wuxuu dilay 26 ruux wuxuuna ka cararay goobii. Markii dambana waxaa isagoo mayd ah laga helay gaarigiisa.

Johnnie Langendorff oo ah qofka labaad ee bidix ka muuqda iyo nin kale ayaa eryaday qofkii dadka toogtay iyaga oo magaalada ka saaray
Johnnie Langendorff oo ah qofka labaad ee bidix ka muuqda iyo nin kale ayaa eryaday qofkii dadka toogtay iyaga oo magaalada ka saaray

Booliiska ayaa sheegay in uu u dhintay wax u muuqday xabbad uu isku dhuftay ka dib markii uu eryaday qof meesha iska taagnaa oo hubaysnaa.

War qoraal ah oo Isniintii soo baxay ayay ciidammada cirku ku sheegeen in “xogta hordhaca ah ay muujinayso tacadiga uu [Devin] Kelley ka gaystay gurigiisa aan loo gudbinin xarunta qaran ee dambiyada lagu kaydiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON