Wednesday, June 25, 2025

Askartii afgembiga ee loo diyaariyay inay dilaan Madaxweyne Ordogan oo la qabtay

Askartii isku dayay inay  khaarijiyaan madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

ayaa la qabtay kadib baadigoob in muddo ah socday oo lagu raadjoogay sida ay soo werisay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

11 askari ayaa la qabtay, kadibna waxaa la soo xiray dhowr askari oo kale, kuwaasoo laga soo qabtay  Tuulada Sirinkoy  ee degmada, waxaana howlgalka fuliyay ciidamada gaarka ah ee dalkaasi. Laba ka mida askarta la qabtay ayaa magacyadooda lagu sheegay Mustafa Serdar Ozay and Muammer Gozubuyuk, oo ahaa saraakiisha hogaamineysay ciidamada weerarka ku qaaday Madaxweyne Odogan.

Habeenkii 15 July 20 askari ayaa weerar ku qaaday goob uu nasasho u joogay madaxweyne Ordogan oo ku taala magaalo xeebeedka Marmaris, waxaana daqiiqado yar ka hor ay ku seegeen Ordogan oo halkaasi isaga tegay, waxaana la arkayay askartaasi rasaas iyo Garneylo ku riday hotelka.

Ujeedka askartan ayaa ahaa inay qabtaan ama dilaan madaxweynaha Turkiga waxayna qeyb ka ahaayeen qorshihii kooxda ciidamada ee afgembiga dhigtay, iyadoo madaxweyne Ordogan 15 daqiiqo uga badbaaday qorshaha lagu dili lahaa.

Dowladda Turkiga ayaa olole weyn ku qaaday ciidamada milateriga iyo dhammaan dadkii ku lug yeeshay afgembigii dhicisoobay ee dalkaasi, waxaana madaxweyne Ordogan ku dhaartay inuu nadiifin doono ciidamada Turkiga.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON