Xarumaha Dowladda, Hoteellada iyo waddooyinka Muqdisho waxaan ku arkaa baabuur aan summad lahayn oo u badan baabuurta afarta shaag uu mid waliba iskiis u dhaqaaqo 4×4.
Baabuurta noocaas ah waxaa la iigu macneeyay in qaar badan ay Dowladdu leedahay, siiba hey’adaha amniga iyo madaxda. Waxay doonayaan in aan la garan oo aan la bartilmaameedsan iyo in aan laga feejignaan. Baabuurtaas qaarkood waa dulbannaan. waxanaa fuushan ciidan dhar askareed lebbisan oo sita qoryo muuqda.
Arrintaasi waxay igu dhalisay su’aalo iyo feker badan. Waxaan is weydiiyay arrintani ujeeddadii laga lahaa ma fulineysaa oo hadda ma qarsoon yihiin baabuurtaasi? Maxay arrintani u dhimi kartaa kalsoonida shacabka? Mise jirtaa si sidaan ka habboon oo ujeeddada loo gaari karo?
Su’aalahaas iyo jawaabahaooda ayaan kor uga fekerayaa si aad u akhrisato, u deristo, u rogrogto, talana aad ugu darsato.
Waa marka horee baabuur summad la’aan magaalada dhex mari kara waa la garan karaa in ay Dowladdu leedahay.
Marka labaad, dalku isaga oo luudaya ayuu si aad u socod gaaban wuxuu uga sii baxayaa fowdo iyo Dowlad la’aan. Xilliga aan ka gudbeyno baabuurtu ma lahayn astaan maaddaama aanay jirin hey’ad bixisa iyo mid daba gal ku sameysa. Hadda in baabuur summad la’aan ah lagu arko magaalada caasimadda ah, waxay dadka ka indhasaabi kartaa horumarka gaabiska ah ee socda.
Midda kale summad la’aantu waxay keeni kartaa wixii loogu talo galay cagsigeed. Haddii baabuurta kale oo dhan ay leeyihiin summad, midkii aan summad lahayn waxay summad la’aantu ku noqoneysaa astaan u gaar ah oo lagu garto.
Dhibka kale ee imaan kara wuxuu yahay in haddii aan gaariga astaanta lahayn uu galo khalad xagga dembiyada waddooyinka ah sida haddii uu qof ama gaari kale uu wax yeelo in aan la aqoon si loo daba galo. Haddii ay adeegsadaan qoryaha ay ku raran yihiinna waa mid ka sii daran.
Waxaan is leeyahay waa la heli karaa hab kaas ka ammaan iyo asturaad badan haddii maskaxda laga shaqeysiiyo.
Marka hore waa in hey’adaha amnigu ay dejiyaan baabuurka summad la’aan in uu socdo loo oggol yahay, sababta iyo cidda awood u leh in ay baabuur aan astaan lahayn waddada ku sii deyso.
Shaki badan iigama jiro in ay taasi soo koobi lahayd tirada baabuurta aan summadda lahayn ee waddada saaran. Ka dibna waxaa loo baahan yahay in xal loo helo summad la’aanta.
Waxay noqon kartaa in gaawaarida howlaha xasaasiga ah ee amni ku jira iyo kuwa kale ee hadda socda summad la’aantu ay adeegsadaan summado kala duwan oo loo beddelo si ku soo bood ah oo aan ku saleysneyn kaltan la odorosi karo. Summadahaasina waa in ay ahaadaan kuwa hey’adaha amniga keliya u diiwaan gashan.
Arrintaasi waxay marin habaabin kartaa qofkii raba in uu asteysto baabuurta. Dhanka kalena waxay sahleysaa in haddii loo baahdo hey’adaha amniga dhexdoodu ay soo qaban karaan baabuurkii wadihiisa ama ciidanka saarani ay geystaan fal dembiyeed.
Ma ahan arrintani mid aan ugu talo galay in lagu xannibo askarta, saraakiisha iyo mudanayaasha amniga ka shaqeyeeya. Waa mid ay ujeeddadiisu tahay in amniga laga shaqeeyo, bulshadu ay kalsooni hesho, qofka amniga ka shaqeynayaana uu sharciga ula sinnaado bulshada inteeda kale.
W/Q: Yusuf Garad