Thursday, July 3, 2025

Awoodda Milateri ee Turkiga & kaalinta uu Dunida uga jiro (Akhriso Warbixin)

Turkiga ayaa ka mid noqday dalalka ugu waaweyn dunida ee saameynta yeeshay sanadihii dambe, markii ay ciidamadiisa galen dalka Syria, kadibna ay guul kasoo hoyeen dalka Libya, siiba diyaarahooda is wada ee Drone-ka oo jebiyey Jeneraalkii Liibiyaanka Khalifa Haftar oo ay taageerayeen Ruushka, France, Imaaraadka, Masar, Sacuudiga iyo dalal kale.

Turkiga wuxuu ka mid yahay dalalka Gaashaanbuurta NATO, wuxuu saldhig weyn ku leeyahay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, isagoo ciidamo kale geeyay dalka Qatar. Wargeyska the Global Fire power oo wax ka qora arrimaha milateriga caalamka ayaa ku qiimeeyay Turkiga in uu yahay ciidanka ugu awoodda badan Bariga Dhexe.

Turkey Military Power - How Powerful is Turkish? 2019 - YouTube

Ciidanka Turkiga ayaa kaalinta sagaalaad ka galay qiimeyn lagu sameeyay awoodda milateri ee dalalka caalamka oo gaaraya 137 wadan, waxaana sandkiiba la sheegay in ciidanka Turkiga ay ku baxdo lacag dhan 8 bilyan oo doolar.

Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dambe xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, iyadoo saameynteeda ku balaarisay dalalka Qatar, Liibiya iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga ugu weyn ee ku yaala meel ka baxsan Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa sida uu qoray GFP waxaa uu ka awood badan yahay dalal ay kamid yihiin Jarmalka, Talyaaniga, Masar, Iran, Israel, Pakistan, Australia, Canada iyo Sacuudiga, waxaana uu awood ahaan ku xigaa dalka Ingiriiska.

Awoodda ciidanka cirka ee Turkiga

.
Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga

Dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 80 milyan oo qof ayaa dadka shaqeeya waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 42 milyan oo qof, waxaana ciidanka dalka Turkiga guud ahaan tiradooda uu wargeyska ku sheegay 735 kun oo askari.

Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa lagu qiyaastay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo askari.

Turkiga ayuu GFP sheegay in ay ka mid yihiin 10-ka dowladood ee ugu awoodda badan caalamka, waxaana diyaaradaha ciidanka cirka ee Turkiga lagu sheegay 1,067 diyaaradood, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207.

How Powerful is Turkey? Turkish Military Power 2019 - YouTube

Diyaaradaha xamuulka ee milateriga Turkiga ayaa gaaraya 87 diyaaradood, halka kuwa lagu tababaro ciidamada cirkana ay gaarayaan 289 diyaaradood.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka ee milateriga Turkiga ayaa tiradoodu dhan tahay 792, waxaana 94 kamid ay yihiin kuwa wax duqeeya ee weerarada loo adeegsado.

Sidoo kale Turkiga ayaa dhawaan dalka Ruushka kasoo iibsaday gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaano S-400, kuwaas oo uu farsameeyay Ruushka, si casri ahna loo farsameeyay.

Awoodda ciidanka dhulka ee Turkiga

.
Gantaalada s-400 ee Ruushka

Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka. Taangiyada dagaalka ee Turkiga ayaa gaaraya 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur.

Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 1,120, 350 oo ah hubka ay Soomaalidu u taqaano BM-ka iyo noocyo kale oo ah madaafiic casri ah, kuwaas oo iskood u dagaal geli kara, tiradoodudana ay gaareyso 1,272.

Awoodda ciidanka badda ee Turkiga

.
Ciidanka badda ee Turkiga

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa toddobadyo kahor daaha ka rogay gujiskii ugu horeeyay ee lagu farsameeyo gudaha wadankaas, waxaana uu sheegay in kuwa kale oo badanna ay ka shaqeynayaan sameyntooda.

Ciidanka badda ee Turkiga ayaa leh 34 marakiib oo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaas, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda.

WEAPONS EXPORTS: Turkish Military Power, Made by Germany?

Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale leh markab loogu magac daray Peninsula of Anatolia, kaas oo ah markab xambaara diyaaradaha dagaalka.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2022 ay si toos ah u hawlgelin doonaan gujiska lagu farsameeyay gudaha Turkiga. Gujiska ayaa awood u yeelan doona in uu hawgallo ka fuliyo meelo fogfog.

.

Global Fire Power ayaa sidoo kale soo bandhigay 10-ka da ee milateri ahaan caalamka ugu awoodda badan, waxayna kala yihiin:

1. Mareykanka

2. Ruushka

3. Shiinaha

4. Hindiya

5. Faransiiska

6. Japan

7. Kuuriyada Koonfureed

8. Britain

9. Turkiga

10. Jarmalka

Turkiga Oo Ka Mid Noqday Tobanka Wadan Ee Caalamka Ugu Awooda ...
SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON