Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si kulul ugu eedeeyay dowladda federaalka inay wado olole ay ku rideyso, qasna uga abuureyso maamulka Galmudug.
Xaaf oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidamo fara badan ay u soo dirtay magaalada Cadaado oo halis ku ahaa amniga, isla markaana ay soo dirtay soona maalgelisay dad doonaya inay ridaan maamulkiisa.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed loo adeegsanayo khalkhal gelinta ammaanka, iyadoo lacag loo qeybinayo.
DHAGEYSO