Madaxweynaha maamulka Galmudug oo qaar ka mida xildhibaannada Galmudug ay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa magacaabay mas’uuul cusub.
Xaaf ayaa guddoomiyaha Gobolka Galgaduud u magacaabay Nuur Axmed Xasan iyadoo aan la shaacin waxa laga yeelay guddoomiyihii xilka hayay, waxaana la sheegay in Axmed Ducaale Xaaf uu wado qorshayaal uu dad taageersan u magacaabayo xilalka maamulka Galmudug xilligan oo khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro madaxda sare ee maamulkaasi.
Waxaa xilka guddoomiyaha Galgaduud ku magacawnaa Maxamed Cali Cilmi, kaasoo uu bishii Janaayo ee sanadkan magacaabay madaxweynhii hore C/kariin Guuleed. Dhowaan ayuu Xaaf xilkii ka qaaday taliyihii NISA ee Galmudug, kaasoo ku gacan seyray xil ka qaadistaasi.
AKHRISO WAREEGTADA