Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi CIsmaan (Karaash) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada uga joojiyey laba wasiir oo la sheegay inay ku lug lahaayeen xaaladii dhalisay shaqaaqada shalay ka dhacday magaalada Boosaaso.
Wasiirada shaqada laga joojiyey ayaa kala ah: Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Dekedaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax.
Labadan wasiir ayaa la sheegay inay ku lug-lahaanshaha celinta diyaaraddii ay la socotay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar oo siday gargaar, taasoo halis ku gashay Garoonka markii ay ku degtay iyadoo loo diiday, kadib shidaal la’aan ay sheegatay.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa wareegtada ku sheegay inay labadan wasiir mareen dastuurka, iyagoo fulin waayey waajibaadkii loo xilsaaray.
Wararka ayaa sheegaya in amarka celinta diyaaradda uu ka yimid Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta oo ka amar qaateen wasiirada shaqo joojinta lagu sameeyay, waxaana weli taagan khilaafka ka dhex oognaa in muddo ah madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.