Madaxtooyada Somaaliya ayaa shaacisay heshiis ka kooban 7 Qodob oo ay kala saxiixdeen dalalka Soomalaiya iyo Eritrea, kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaal qaatay 4 maalmood.
Qoraalka Madaxtooyada ayaa ahaa isla kan ay faafisay Dowladda Eritrea, waxaana lagu sheegay in booqashada ay salka ku haysay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo u kuur-galidda xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.
Qodobbada heshiiska is af-garad ee ay labada dowladood kala saxiixdeen ayaa ka kooban qodobbada hoos ku xusan:
1- Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.
2- Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.
3-Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.
4- Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.
5- Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.
6- Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.
7- In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iskaashi, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Ereteriya waxa uu booqday xeryaha ay tababbarrada ku qaataan ciidamada kala duwan ee dalkaas jooga, isaga oo ugu dambayntiina booqday magaalada Massawa oo ay tababbar u joogaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ku bogaadiyey tababbarrada adag ee ay qaateen isaga oo sidoo kalena uga warbixiyay ahmiyadda iyo mudnaanta ay dowladdu siinayso xorreynta dhulalka ay argagaxisadu haystaan iyo doorka la filayo in ciidamadani ka qaataan sugidda amniga guud ee dalka.
Heshiiska ayaan lagu soo qaadin ciidamada Soomaaliya ee ku sugan dalka Eritrea iyo xilliga dib loo soo celinayo oo ahayd arinta ugu weyn ee keentay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh.