Thursday, December 8, 2022

Siyaasi u dhow Afwerki oo shaaciyey Hal sabab oo Farmaajo u qariyey ciidamada uu geeyay Eritrea

Siyaasi iyo xildhibaan hore Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha dalka Ertirea Isaias Afwerki ayaa sheegay hal sabab oo keentay in Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu qariyo ciidamada tababarka loo geeyay dalka Eritrea.

Wuxuu sheegay inuu isagu laftiisa u tegay Asmara inuu soo ogaado xaalada ciidamadaasi oo shaki weyn ka taagnaa, isla markaana ay dowladii Farmaajo si mas’uuliyad darro ah ehelkii askarta iyo umadda Soomaaliyeed uga qarisay xogta ciidankaasi.

Sababta kaliya ee uu Farmaajo u qariyey kiiska askartan ayuu Siyaasiga Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ku sheegay inuu xumaaday xiriirka Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea, taasoo keentay in arrinta ciidamadaasi ay mugdi gasho, laakiin Eritrea ay u xaqiijisay inaysan wax dagaal ah ka qeyb gelin, diyaarna u yihiin dowladda Soomaaliya.

Ad

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ahaa musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday inay ku saxnaayeen Siyaasiyiinta ciidamada askarta ku maqan Eritrea ku sheegay in la iibsaday oo uu ka mid ahaa madaxeweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh, taasina ay keentay xaaladda ciidamadaasi iyo sida xun ee dowladii Farmaajo u maamushay ilaa heer ay ka qarisay Taliyihii ciidamada xoogga dalka.

isagoo wareysi siiyey Universal TV ayuu dhinaca kale Zakariye Maxamud Xaaji ku eedeeyay dowladoo Farmaajo inay dhibaatooyin badan dalka ka abuurtay, isagoo rajo ka qaba in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka ka hirgeliyo doorasho ‘Qof iyo cod’ ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!