Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi oo ka mida hogaamiyeyaasha xisbiyada Muqdisho ka jira ayaa sheegay inaan la ogolaan karin in xitaa hal maalin loogu daro dowladda hadda jirta ee Xasan Sheekh Madaxweynaha ka yahay.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay balan qaadeen, saxiixeen isla markaana ku celceliyaan in doorashada waqtigeeda ku dhaceyso, haddiise ay ku fashilmeen ay tahay inay xilka iska wareejiyaan.
“Hadii Dowladda Xasan Sheekh waxaan ka sugeynaa inay wareejiyaan awoodda, baabuurta, hantida dowladda oo ay qirtaan inay fashilmeen, waxaan diidanahay iyagoo ku fashilmay howshoodii inay waqti kale ku darsadaan…” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo sheegay in soo jeediyeen Dowlad KMG ah la dhiso marka waqtiga dowladda Xasan Sheekh uu dhammaado.
DHAGEYSO FIQI
GOOBJOOGE.COM