Madaxweynaha dooran ee maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo dhowaan socdaal uu ku joogay magaalada Nairobi ka soo laabtay shalay ayaa booqasho ku tegay isla maalintaasi xerada la qarxiyay ee ciidamada dowladda Federaalka isagoo dhinaca kale lacag iyo xoolo nool oo loo qalo ugu deeqay ciidamadaasi.
Ciidamada dhaawaca ah ee ku sugan Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa midkiiba la siiyay lacag dhan 100 doolar, lacagtaas oo uu bixiyay Axmed Madoobe, ciidamada oo ku waxyeeloobay qaraxii lagu eedeeyay inay ka danbeeyaan ciidamada Axmed Madoobe ayaa 20 ka mida loo qaaday magaalada Muqdisho.
Ciidamada kale ee xerada Ma-dhamaato ku jira wuxuu Axmed Madoobe ugu deeqay Geel iyo Ari badan oo loogu talogalay in loo qalo, iyadoo arrintaasi aanay hore u dhici jirin, laakiin saraakiisha ciidamadaasi ayaa Axmed Madoobe uga mahad celiyay taageerada uu siiyay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]