Thursday, July 17, 2025

Axmed Madoobe: Magacii maamulka KMG Jubba waxaa lagu bedelay “Jubbaland Sate of Somalia”

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa gaaray magaalada Muqdisho isagoo ka anbabaxay magaalada Kismaayo isagoo halkaasi uga qeybgeli doona shirka wadatashiga ee madaxda Soomaalida.

cumar_madoobe

Axmed Madoobe ayaa intii uusan ka soo anbabixin garoonka Kismaayo sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo nataajida kasoo bixi doonta shirka madaxda Soomaalida ee Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in Jubaland ay shirka uga qeyb geli doonto magaca mamulka Jubba oo meesha laga saaray magacii Kumeelgaarka ahaa. Wuxuu sheegay in Interim Jubba Admistration (IJA) uu dhammaaday laguna bedelay Jubaland Sate of Somalia. 

Maamulka Jubba ayaa dood weyn ka qabay shirarkii ugu danbeeyay in loogu yeero kumeelgaar waxayna taasi qasabtay inay shirkii ee Muqdisho hore waqti kooban ka baxaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON