Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay la socdaan Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig iyo Sheekh Daahir oo heshiiska ku saxiixay magaalada Naiorbi ayaa dib ugu laabtay Magaalada kismaayo.
Waxaa Garoonka diyaaradaha ku so dhwoeeyay dadweyne iyo mas’uuliyiin, wuxuuna Axmed Madoobe xariga ka jaray qeybo Cusub oo lagu kordhiyay garoonka Diyaaradaha magaalada Kismayo.
Isagoo war kooban siiyey saxaafadda yuu Axmed Madoobe sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Jubbaland, wuxuuna intaas ku daray in danta shacabka ay ku jirto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay.
Mar uu ka hadlay Khilaafka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah isagoo sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay wakhti walba in wada hadal lagu xaliyo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay isla markana Dowlada Federaalku ay qaadato doorkeeda la xiriira isku haynta dadka iyo sidii wadajir loogu wajahi lahaa qorshayaasha hortabinta leh.





