Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo, kuna dhawaaqay howgal dagaal oo ka bilaabanaya Jubbooyinka

Madaxweyanaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed lslaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, kadib markii uu in ka badan toddobaad safara ku joogayu dalka Itoobiya.

Axmed madoobe ayaa saxaafadda ugu war-bixiyay safarradiisii Nairobi iyo Addis Ababa,wuxuuna ku tilmaamay kuwo wax ku ool u ah ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Jubbaland, isagoo caddeeyay  inay isla soo qaadeen madaxdii ay is arkeen adkaynta nabadgelayada iyo la dagaalanka argagixisada.

Isagoo garoonka diyaaradaha kula hadlay saxafiyiinta ayu sheegay Axmed Madoobe in howlgal balaaran uu bilaaban doono, kaasoo looga sifeyn doono kooxda Alshabaab degaanada Jubbooyinka.

Lama oga waxa Itoobiya ka quseeya shirka Soomaalida, waxaase caadiyan madaxda maamulada Soomaalida ay ka shidaal qaataan Itoobiya iyadoo mar waliba looga yeero magaalada Addis oo ay socdaalo joogto ah ku tagaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON